Doorashada KoofurGalbeed: Maraykanka oo sheegay inuusan jirin musharax uu ku taageerayo

0
394

Qoraal ay soo saartay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inuusan jirin musharax ay si gaar ah u wadato balse ay taageerayso dhammaan musharaxiinta doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed ee la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo 17ka bisha November ee sanadkan.

Sidoo kale qoraalkan ka soo baxay xafiiska u qeybsan dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu soo dhaweynayo guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee todobaadkii hore loogaga dhawaaqay magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda ololaha doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya iyadoo musharaxiintana ay ka mid yihiin musharixiin xilal hore uga  soo qabtay dowlada federalka iyo musharax xil sare ka soo qabtay ururka Al-Shabaab.