Doorashada K/Galbeed:Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo si kulul u eedeeyay Madaxweyne Farmaajo oo faragelin baahsan ku haayo

0
258

Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu faragelin toos ah ku haayo Doorashada Maamulka Koofur Galbeed oo lagu wado in 17-ka bisha soo socota ee November ay dhacday doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaano Cabdalla Xuseen Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay Madaxweyne Farmaajo iyo saaxibadiisa ay faragelin toos ku hayaan doorashada Koofur Galbeed, iyagoo taageeraya Musharaxiin gaar ah.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu faragelin qaawan ku hayaa Maamulka Koofur Galbeed, gaar ahaan doorashada soo socota, faragelintaas waxa ugu horeeyo in Musharaxiinta qaarkood loo diiday inay is sharaxaan, maadaama ay yihiin muwaadiniin xaq u leh in tartamaan, faragelinta labaad waa Musharaxiin qaarkood ay dowladda si gaar ah u taageereysay, dhaqaalihii dalkan lagu maamulayay kartoomo inta loogu shubayo diyaarado loo saaray oo Baydhabo laga dejiyay”ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in baabuurta aan xabadaha karin laga dejiyay Baydhabo, hub iyo ciidamo, waxaana uu tilmaamay in dhaqaalaha ku baxay gawaarida aan xabadaha karin iyo diyaaradaha loo kireeyay ay gaareyso 2.8 Milyan oo doolar.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in arrintan ay kula xisaabtamayaan Madaxweynaha, isla markaana caddeyn u tahay in Madaxwene Farmaajo uu ku lug leeyahay musuq maasuq, maadaama lacagtii qaranka loo adeegsanayo doorashooyinka Koofur Galbeed.

Xildhibaan Cabdalla ayaa sheegay in faragelinta uu Madaxweyne Farmaajo ku haayo doorashada Koofur Galbeed ay keeni doonto in xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo, isla markaana uu xilkiisa ku weynayo haddii uu faragelinta ka joojin waayo Koofur Galbeed sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu baal maray Dastuurka dalka, isla markaana uu dadka iska horkeenay, wuxuuna ku eedeeyay in lacag fidno wadatay uu geeyay Baydhabo.

Waxaa uu sheegay in Musharaxiin loo saaray diyaarad hub, ciidanka Milateriga iyo baabuurta aan xabadaha karin, taasoo qalqal gelisay ammaanka Kismaayo sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Xildhibaanada shirka jaraa’id qabtay oo gaarayay Tobaneeyo Xildhibaan ayaa ka digay in xaalada isu bedesho mid fowdo iyo colaad hurin ah, iyagoo xaqiijiyay in magaalada ay cabsi badan ka jirto.