Dood kulul oo dhex mari doonta Donald Trump iyo Hillary Clinton

0
236

Washington(INO)— Waxaa caawa la filayaa in dalka Mareykanka ka bilaabato dooda Musharaxiinta Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga oo noqon doonta mid ka mid ah doodihii ugu xiisaha badnaa ee soo marta taariikhda Mareykanka.

Labada Musharax ee kala ah Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa bisha November ku tartami doona doorashada Madaxweynaha, balse inta ka horeysa waxaa jiri doona doodo adag oo ay isku fara saari doonaan.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ah nin ay fududahay in laga careysiiyo, si dhaqse ahna u fal celiya ayaa doonayaa in dooda uu ku helo fursado uu dadka Mareykanka ku kasbado, iyadoo u noqon doonta mid muhiim ah.

Donald Trump ayaa horay ugu cel celiyay in Mareykanka ka dhigo doono mid adag oo ammaan ah, taasoo dad badan ku tilmaameen mid soo jiidasho leh.

Dooda labada dhinac ayaa si toos ah looga daawan doonaa Telefishinada, waxaana lagu kala qiimeyn doonaa qorshayaasha labada dhinac ay wataan ee ah waxqabadkooda hadii ay xilka ku guuleystaan, waana dood wata fursad iyo qatar.

Labada Musharax ayaa horay uga soo muuqday Dooda is reeb reebkii Musharaxnimada ee Xisbiyadooda, waxaana tani ay noqon doontaa tii u horeeyay ee si fool ka fool ah labada musharax u dhex marta.

Ugu dambeyntii, Dooda Musharaxiinta Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo bilaabatay 1960, waxaana Musharaxiintii u horeeyay ee dooda dhex martay ay ahaayeen John Kennedy iyo Richard Milhous Nixon.