Dood Cilmiyeed Looga hadlayay Dilalka Loo geysto Soomaalida ku nool K/A ka dhacday Johannseburg +Sawiro

0
274

Dood Cilmiyeed socotay laba maalmood  looguna hadlaaayay sida loogu hortagi lahaa dilalka iyo dhibaatooyinka loo gaysto Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika oo ay ka qeyb galeen Safiirka iyo Aqoonyihanno ayaa lagu soo gabagabaayay halkaasi,

Doodan oo ay Aqoonyihannad si weyn u falaqeyeen waxybaaha sababa in Soomaalida ganacsatada ku ah dalka Koonfur Afrika si gaar ah loo bartilmaameedsado iyo sida ugu macquulsan ee loogu hortagi karo

iyagoo Aqoonyahnnad ay kasoo saareen Doodaasi qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sida Soomaalida loogu sameyn lahaa wacyigalin iyadoo dhanka kale doodaasi lagu soo qaaday siday ugu qeyb qaadan lahayeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika dib u dhiska dalka.

Dhanka kale Kulan uu kula qaatay Safiirka Soomaalia u fadhiya Dalka Koonfur Afrika Jaaliyada Rustenburg gudaha Safaaradda sida ay ganacsatada Soomaalida u taageeri lahaayeen Safaaradooda iyo waliba dowladooda isagoo Safiirka sheegay in ay Safaaradda u baahantahay taageero ay ka helaan maadama ay Safaaradda ay u adeegto Muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan isagoo intaasi ku daray in aan wax dhaqaalo ah helin wixii hada ka horeeyay.

Mar u Safiirka ka hadlayay boob dhawaan loogu geystay ku dhawaad todobo iyo toban dukaan ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed Kurunbushle ee hoostagta magaalada Porte Elezphet ayuu sheegay Safiirku inuu aad ugu xunyahay boobka loo gaystay ayna arimahaasi kala hadli doonaan Dowladda Koonfur Afrika.

Maalmahan dambe ayay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ay wadaa dadaalo lagu doonayo sii ay u yaraan lahaayeen dhibaatooyinka loo gaysto Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika balse aan wali joogsan dhibaatooyinkaasi.

Idale News Muqdisho