Donald Trump oo toos ugu hanjabay madaxweynaha dalka Iran Hassan Rouhani

0
220

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sare u qaaday xurguftii kala dhaxeysay dalkaasi Iran kaddib markii hanjabaad toos ah uu u diray madaxweynaha dalka Iran Hassan Rouhani.

Mr. Trump ayaa Hassan Rouhani uga digay hadalada qallafsan ee uu ku hadlayo marka uu soo hadal qaadayo Mareykanka iyo madaxdiisa, islamarkaana uu ilaashado afkiisa.

Hadalka Trump ayaa imaanaya xilli xiriirka siyaasadeed ee labadaasi dal Mareykanka iyo Iran uu aad u xumaaday kaddib markii uu xilka la wareegay madaxweyne Donald Trump.

Shalay ayay aheyd markii dalkaasi uu ka dhacay dabaadeg loogu dabaaldegayo sannad.guuro kasoo wareegatay maalintii dalkaasi Iran la wareegtay dowlad Islami ah sanadkii 1979.

Munaasabaddaasi ayaa waxa alaga jeediyay hadallo kala duwan kuwaas oo lagu duray madaxweynaha Mareykanka iyo siyaasaddiisa.

Labada dowladood ayaa dhowaan isa saaray cunaqabatooyin shakhsiyaad iyo shirkado.