Washington(INO)– Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Trump ayaa shaqadii ka eryay kusimaha xeer ilaaliyaha guud oo ay in dhawaale arimo isku hayeen.
Kusimaha xeer ilaaliyaha guud ayaa ahayd haweney lagu magacaabo Ms Sally Yates. Bayaan xalay kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu xusay in ay khiyaantay waaxda caddaalada.
Kusimaha xeer ilaaliyaha guud, Sally Yates way khiyaantay waaxda caddaalada kadib markii ay diiday inay dhaqan galiso amarkii sharci ee loo xil saaray in lagu badbaadsho muwaadiniinta Mareykanka’. Sidaa ayaa bayaanka lagu xusay.
Waxaa booskeedii lagu baddalay Dana Boente .
Toban maalmood kadib markii xilka uu qabtay Trump ayuu ku dhaqaaqay go’aano badan oo muran dhaliyay asagoo iminka cabsi weyn ka dhex abuuray gudaha dalkaasi Mareykanka iyo qeybo kale oo ka tirsan caalamka.