Donald Trump oo dhisaya darbigii uu ballan qaaday iyo waddamo Soomaaliya ku jirto oo visaha Mareykanka loo diidayo

0
190
US President Donald Trump (C) waits at his desk before signing confirmations for James Mattis as US Secretary of Defense and John Kelly as US Secretary of Homeland Security, as Vice President Mike Pence (L) and White House Chief of Staff Reince Priebus (R) look on, in the Oval Office of the White House in Washington, DC, January 20, 2017. / AFP / JIM WATSON (Photo credit should read JIM WATSON/AFP/Getty Images)

Washington(INO)- Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa kaga dhabeynaya mid ka mid ah ballan-qaadyadiisii ololaha doorashada kaas oo ahaa in uu darbi dheer ka dhisayo xadka Mareykanka la wadaago dalkaasi Mexico.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee twitterka xalay ayuu shaaca uga qaaday in uu qorsheynayo sixiixidda qodobo dhowr ah maanta oo uu ka mid yahay dhisidda darbigii uu ballan qaaday.

Jariiradda  New York Times oo soo xiganeysa ilo ku dhow-dhow madaxweynaha ayaa sheegtay in dhaqaalaha derbigaasi lagu dhisayo ay bixinayaan goboladda dalka Mareykanka, xitta kuwaada aan xudduudda la laheyn Mexico.

Sidoo kale waxaa ka mid ah qodobada uu sixiixayo maanta madaxweyne Trumo sharci si kumeel-gaar ah u joojinaya qaabilidda qoxootiga soo galaya ama la keenayo Mareykanka.

Waxaa sidoo kale uu sixiixayaa sharci ka hor joogsanaya in dal ku gal ama Visa la siiyo dadka kasoo jeeda waddamada Iran, Irak, Syria, Sudan, Somalia, Libya og Jemen.

Idale News Online, NY