Washington(INO)- Donald Trump, Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, ayaa Dowladda Ruushka ugu yeeray in ay jabsato Emiladii Hillary Clinton, ay adeegsatay xilligii ay ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Donald Trump, ayaa Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ku eedeeyay in ay adeegsatay Emailo ahaan ahayn midkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasoo uu ku sheegay mid halis gelin karta amniga qaranka.
Waxaa uu sheegay in Dowladda Ruushka ay heli karto Emailadii ay adeegsatay Hillary Clinton, isla-markaana uu Sirdoonka Ruushka ugu baaqaayo in ay soo bandhigaan.
Donald Trump, ayaa intaa ku dartay in la la’yahay soddon kun oo farriimo ah oo sida uu sheegay laga diray Emailadii, ay adeegsan jirtay haweeneyda u dhexday Madaxweynihii hore Mareykanka, Bill Clinton.
Mr. Trump oo Arbacadii la hadlay Saxaafadda, ayaa ku faanay inuu jecelyahay in markasta haweeneydan lagu dhaliilo in ay ku xadgudubtay awoodeedii, afartii sano ee ay xafiiska joogtay.
Tani waxay caro gelisay Hillary Clinton, iyadoona ay si kulul kaga jawaabeen kooxda u ololeynaysa madaxtinimadeeda Mareykanka. Afhayeen u hadlay kooxdaasi, ayaa Donald Trump ku dhaliilay in uu halis gelinaayo ammaanka qaranka Mareykanka.
Jake Sullivan oo la hadlay Warbaahinta, ayaa Donald Trump ku sheegay inuu noqonaayo siyaasigii ugu horeeyay oo metelaaya xisbi wayn, isla-markaana quwad shisheeye ku dhiirageliya in ay jaajuusto siyaasi ay ku kala aragti duwan yihiin siyaasadda dalka.
Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa xalay si rasmi ah u taageeray musharaxtinimada haweeneyda Hillary Clinton.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay