Diyaarado joog hoose ku duulaya oo lagu arkay Koonfur Galbeed Somalia

0
223

Owdhegle(INO) – Dadka deegaanka ayaa Idale News Online u sheegay in ay arkeen diyaarado jawi hoose ku duulaya oo dul-heehaabaya degmadda Owdheegle ee Gobolka Shabelaha Hoose.

Degmadda Owdheegle, waxaa gacanta ku haya oo maamulaya Al Shabaab.

Cadsi xooggan ayeey dadka deegaanka ka muujinayaan in diyaaradaha ay duqeyaan degmadda ama in Al shabaab ay madaafiic ku tuuraan diyaaradaha.

Gobolka Shabelada Hoose ee koonfur ka-xiga magaaladda Muqdisho, waxaa saldhigyo military ku-leh ciidamo ay ka mid yihiin kuwa dowladda Mareykanka ee taageera ciidmadda AMISOM.

Maamulka Gobolka, wali kama aysan hadlin xaaladda kusoo korodhay Gobolka.