Afmadow ( INO)-Wararka laga helayo degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo adag ka geysteen deegaan lagu Magacaabo Weelmaarow oo qiyaas ahaan 30 KM u jira degmada Afmadow kaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Duqeymaha lala beegsaday Saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi Weelmaarow.
Ilo ku dhow dhow Xarakada Al Shabaab ee deegaankaasi la duqeeyay ayaa sheegay in duqeymahaasi ay jiraan khasaarooyin ka dhashay walow aan la cayimin.
Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaasi cirka ah ee ka dhacay deegaanka Weelmaarow ee Al Shabaab ay ka arrimiyaan.
Hase ahaatee weeraro cirka ah oo horay uga kala dhacay Gobollada Jubbooyinka Ged, iyo Shabeelaha Hoose waxaa kala sheegtay dowladaha Maraykanka iyo Kenya.
Al Shabaab weli kama hadlin duqeymahaan lagu qaaday Saldhigyada ay ku leeyihiin deegaanka Weelmaarow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Idale News Online, Afmadow