Deg deg:Diyaaradii siday Mukhtaar Roobow oo goor dhow ka soo degtay Garoonka Muqdisho

0
182

Idalenews:-Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, taasoo ka soo qaaday degmada Xudur, halkaasoo uu saaka iska dhiibay.

 

Diyaarada ayaa waxaa la saarnaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliye kuxigeenka NISA iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed.

Ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ammaanka Abuu Mansuur la wareegay Ciidamada gaarka ah ee Nabadsugida.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka la geynayo wadaadka, iyadoo aanay wali dowladda Soomaaliya si rasmi ah arrintiisa ka hadlin, illaa maalintii Arbacadii ee Al-Shabaab weerarka ku qaaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Abuu Mansuur la kulmo doono Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa saaka kulan gaar ah ka yeeshay xaalada Abuu Mansuur, oo si rasmi ah galabta loogu soo gacan geliyay dowladda Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sanadkii 2013 gooni uga baxay Al-Shabaab, kaddib markii ay is khilaafeen Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay uu gabaadsanayay deegaanka uu ku dhashay ee Abal oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Bishii June ayay aheyd markii Mareykanka uu ka saaray liiska dadka aadka loo doon doonayo, iyadoo madaxiisa ay dul saarneyd lacag gaareysa illaa shan milyan oo dollar, waxaana wixii markaas ka dambeeyay Al-Shabaab ay culeys saartay Wadaadka, isla markaana weerartay deegaankii uu ku sugnaa.