Muqdisho (INO) – In Kastoo ay DFS kala Hadashay Hey’adaha Caalamiga ah dib usoo Celinta Dadka Soomaalida ah ee ku dhibaateysan Dalka Yemen, haddana Ma jirto Kaalin intaas ka badan oo ay ka qaadaneyso soo Celintooda, Diyaaraddii u horreysay ayaa Maanta Muqdisho Keeneysa 95 ka mid ah dad Sanca laga soo Qaaday.
Is kaashi ay Sameeyeen DFS iyo hay’adda Cocdaalka Aduunka IOM ayaa suuragelisay in Diyaaradi ay soo qaaddo Tiradaas, waxaana ay noqoneysaa Billow Fiican oo rajo gelinaya dadka Magaalada Sanca ee Caasimadda ah Jooga oo Shalay intooda badan Garoonka isugu tegay.
Gudoomiyaha Guddiga Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed Axmed Daahir ayaa u Xaqiijiyay Warbaahinta in dadkaan Maanta laga soo dejin doono Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Arrintan ayey u Arkaan Bulshada Muqdisho in ay tahay Billow Fiican oo ay Hey’adda IOM iyo DFS isla garteen in dadka Soomaalida Dalkaas Dagaallada darani ka jiraan looga soo Badbaadin karo.
Xabad Joojin kale ayaa looga dhawaaqay Yemen, taasoo muddo 5 Maalmood ah socon doonta, waxayna Sucuudiga, Dowladda Yemen iyo Xuutiyiintuba isla garteen in dadka Dalkaas ku dhibaateysan la Gargaaro.
Idale News Online – Muqdisho