Riqqa(INO)- Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa gelinkii danbe ee Arbacada duqeeyey 18 goobood oo ay ku sugnaayeen Kurdiyiinta Siiriya, gaar ahaan meelo ku dhaw magaalada Xalab (Aleppo), sida laga soo xiganayo Warbaahinta Dowladda Turkiga.
Warbaahinta Dowladda Turkigu gacanta ku hayso ayaa sheegtay in duqeyntu dhacdey gelinkii danbe ee Arbacada, oo la weeraray 18 bartilmaameed gaar ahaan Maart Umm Hawsh oo waqooyi uga beegan Xalab.
Dhimashada iyo khasaaraha ka dhacdey halkaas ayaa warbinaxadu sheegayaan tiro kala duwan.
Sida ay sheegyaso warbaahinta Turkigu waxaa lagu diley 200 oo kurdiyiin ah, sida ay qortey AP.
Hoggaamiye ka titsan Jamhadda Kurdiyiinta ee YPG ayaa sheegay in weerarka Turkiga looga diley 10 askeri oo keliya.
Malayshiyadda jamhadda YPG ee Kurdida waxaa dalka Turkiga looga arkaa kuwo argagixiso ah, waxaana YPG ay dagaal kula jiraan IS iyo Turkiga, sida Turkiga oo kale dagaal ugala jiro labadoodaba, Turkiga ayaa sameeyey Jamhad Suniyiin ah oo u badan dadka Turkimaaniga ah kuwaas oo Kurdiyiinta iyo IS ka qabsadey dhulka xuduuda ah ee Turkiga iyo Siiriya u dhexeeya.
Duqeynta Turliga ayaa imaanaysa saacado ka hor xiliga Ruushku qabsadey 8 saacadood oo xabbad joojin ah.
YPG waxay taageero ka heshaa dalka Maraykanka oo ay Nato kuwada jiraan Turkiga.