Kismaayo (INO)—Wararka lag helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Duqeymo khasaaro kala duwan geystay ay Xalay ka dhaceen Duleedka Magaalada Kismaayo.
Duqeyntan ayaa Diyaaradaha Mareykanka waxey ku beegsadeen sida la sheegayo Degaanka Berxaani oo qiyaas ahaan 50Km dhanka Waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo.
Weerarkan xagga cirka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay ugu yaraan 7 Ruux, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 8 kale, kuwaasi oo dhamantoodba lagu sheegay Xoolo dhaqato halkaasi ku nool.
Isagoo la hadlayay Warbaahinta, C/rashiid Macalin Gaasi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada DFS oo ku sugan Duleedka Kismaayo ayaa waxuu sheegay in Duqeyntaasi lagu laayay Dad Shacab ahaa.
Waxaa Sarkaalkan uu tilmaamay in Dadka dhintay ay ku jireen Nin iyo Xaaskiisa iyo sidoo kale Hooyo da’aheyd.
Weerarkan duqeynta ahaa ayaa sidoo kale waxaa ku baaba’ay xoolo badan oo ku dhaqnaa Degaanka Berxaani oo qiyaas ahaan 50Km dhanka Waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo.
Degaanka Beerxaani ayaa waxaa gacanta ku haya Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Maalin ka hor ayee aheyd markii Mareykanka uu shaaciyay in Duqeyn Diyaaradeed ay ku Dileen Hogaamiye Sare oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, kaasi oo ku sugnaa Degaan hoosta Gobolka Jubada Dhexe.
Idale News Online, Kismaayo