Kismaayo (INO)—Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka ee Dalka Kenya ay Duqeymo xoogan la dhaceen Degaano ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo
Diyaaradahan ayaa lagu soo waramayaa in Xalay Duqeeyeen Degaanada Beerxaani iyo Cabadalla-Biroole oo 40Km dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Saraakiil ka tirsan kuwa Maamulka KMG ah ee Jubaba oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Al Shabaab lagu beegsaday duqeyntaasi ay ku fuliyeen Diyaaradaha Kenya.
Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay Duqeyntan la sheegay in lagu beegsaday Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo.
Idale News Online,Kismaayo