Ankara(INO) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay toogashadii lagu khaarajiyay safiirkii Ruushka u joogay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, xili uu ku sugaa goob xaflad ah oo lagu bandhigayay sawirada farshaxanka.
Ninkan oo la aqoonsaday ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada booliiska ee rabshadaha ka hortaga, ka hor inta uusan safiirka dilin, waxaana wararku sheegayaan ilinka hore goobta munaasabada ay ka dhaceysay uu ku soo dhaafay kaarkiisa aqoonsiga, isaga oo waliba isku soo ekeysiiyay ilaalada gaarka ah ee safiirka.
Goob joogayaal ayaa sheegay in xiligan uu khubada bilaabay safiirka in ninkan uu taagnaa dhabarkiisa danbe, ma jirin wax baqdin, laakiin waxaa ay arintu is badashay kaddib markii uu rasaasta ku bilaabay safiirka
isaga oo ku dhuftay siddeed xabadood.
Israsaaseyn kaddib goobta ayaa lagu toogtay Mevlut Mert Aydintas, waa 22-jir ahaa, kaa oo ku qeylinayay ilaa markii ugu danbeysay ee la dilay Allaahu Akbar.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa cambaareeyay falka lagu dilay Safiirkii Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga.
Ugu danbeyntii, Turkiga iyo Ruushka ayaa sheegay in aanu dilkan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka labada dal, waxaana uu ku soo aaday dilka, xilli Hoggaamiyeyaasha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan ay
maanta oo Talaado ah kulan ka yeelan lahaayeen xaalada magaalada Aleppo.