Dil loo geystey Xildhibaan ka mid ah Barlamaanka Cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya

0
233

Kooxo hubaysan ayaa Caawa waxa ay magaalada Muqdisho ku toogteen alla ha u naxariistee Musfat Maxamed Maclin oo kamid ahaa Barlamanaka cusub ee Soomaaliya.

Dad Goobjooyaal ahaa ayaa noo xaqiijiyay in Labo Nin oo Bastoolado ku hubaysaysnaa ay toogteen Xildhibaanka Salaadii Maqrib kadib xilli uu galayay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Cali-Boolaay ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa markii hore dhaawac ahaan loola cararey Isbitaal, hase ahaatee waxa la sheegay inuu ku dhintay wadada, maadaama dhaawiciisa uu halis ahaa oo rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Ma cada sababta iyo cidda ka danbaysa dilka, hase ahaate dilkan ayaa qeyb ka ah dilal iyo Qarax Muddooyinkan danbe kusoo kordhaya magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Ciidamada dowlada ayaa tagay Goobta uu ka dhacay dilka Xildhibaanka, hase ahaatee waxa ay wararku sheegayaan inaysan jiran ilaa hadda cid loo soo qabtay dilkaasi.

Ma jirto Koox ama cid sheegatay dilka ilaa hadda.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com