Wasaaradda Difaaca Dalka Ruushka ayaa war ka soo saartay weerarka saaka Mareykanka iyo Xulafadiisa ay kula jarmaadeen dalka Syria.
Warbixin war yar ka hor ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Dalka Ruushka ayey ku sheegtay in Mareykanka,UK iyo France ay wax ka badan 100 Gantaal ku rideen dhulka Syria islamarkaana Nidaamka difaaca gantaalaha ee Syria uu fashiliyay kuwo badan.
Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in Ruushka uusan wali tallaabo qaadin,islamarkaana hadda dowladda Syria ay ku jirto iska difaacidda weerarka gardarrada ah ee uga imanaya Mareykanka iyo isbaheysiga la socda.
Dhinaca kale war ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibbadda Ruushka ayey ku sheegtay in Syria ay ka bad baadday Gugii Carabta,sidoo kale ka bad baadday Ololihii Daacish ee 2014/2017,haddana ay wajaheyso waxa ay ku tilmaameen Gantaallada caaqilka ah ee Mareykanka.
Maria Zakharova, oo ah Ahayeenadda Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa barteeda Facebook ku qortay in waxa saaka ka socda Syria ay yihiin gar darro lagu sameeyay Caasimad dal madaxbanaan.
Warbaahinta Syria ayaa sheegtay in Gantaallo laga tuuray Badda iyo Cirka oo ku wajahnaa Saldhigyada Ciidanka Syria ee Xumur,Xmaa iyo Dumishiq la soo riday intooda badan,kuwo dhulka ku dhacyna ay dad rayid ah wax ku noqdeen.