Dibadbax ay kasoo qayb galeen boqolaal ruux oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa maanta ka dhacay halkaas.
Dibadbaxa oo ahaa mid lagagasoo horjeeday doorashadii dhawaan la sheegay in Axmed Madoobe loo doortay madaxweynaha maamulka la magac baxay Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale lagu diidanaa kaalinta ay IGAD ku leedahay arimaha ka taagan magaalada Kismaayo ayada oo ay banaanbaxayaashu ku eedeeyeen IGAD inay taageersantahay Axmed Madoobe.
Banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa si weyn loogagasoo horjeeday Axmed Madoobe oo ay sheegeen dadka inuu keligiis is magacaabay gobolada Jubbooyinkana dadka ku dhaqan aanay isku raacsanayn shirkii ka dhacay xarunta jaamacada ee magaalada Kismaayo.
Dibadbaxayaasha ayaa ugu dambeyntii iskugu yimid xarunta jaamacada magaalada Kismaayo oo ah meesha uu isku magacaabay Axmed Madoobe.
Dhanka kale dibadbaxayaasha ayaa ku baaqay in dowlada federaalka Soomaaliya ay la wareegto arimaha gobolada Jubbooyinka kanasoo shaqeyso sidii maamul loogu sameyn lahaa halkaas.