Dibadbax aad u balaaran oo lagu taageeraayo Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa waxuu ka dhacey magaalada Muqdisho maalin ka hor qabashada doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.
Maxamed C/hi Farmaajo ayaa ah musharax shacabka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadiisa ku dhaqan kasbadey muddadii lixda bilood oo uu xukuumadiisa TAYO dalka ka jirtey, isla markaasna heshay kalsoonida iyo taageerida bulshada. Hase ahaatee barlamaanka ay beelaha soo xuleen ay adag tahay in ay ka turjumaan baaqa shacabka soomaaliyeed ay doonayaan in la texgeliyo codsigooda ah in la doorto Musharax ay u arkaan inuu yahay shaqsiga kaliya ee daacadnimo iyo dowlad wanaag u horseedi kara dalka Soomaaliya guud ahaan.
Xildhibaanada barlamaanka oo qaab beeleed 4.5 ku yimid isla markaasna in badan oo ka mid ahna ay dib u soo noqdeen ayaa la sheegayaa in laaluush iyo musuqmaasuq hareeyey taasoo dadweynaha soomaaliyeed iyo beesha caalamku ka muujiyeen cabsi iney doortaan shaqsi horey ugu fashilmey siyaasadii Somalia ee shaley khilaafaadku la dhaqaaaqi weydey
Xafiiska Warqabadka idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com