Dhoolatus ay sameeyeen Booliiska ka hortaga rabshada oo Muqdisho lagu soo bandhigay

0
199

Ciidamo gaar ah oo loogu tala galay ka hortaga rabshadaha iyo qaraxyada ayaa maanta markii u horeysay dhoolatus ku sameeyay magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamadan dhowaan tababar loo soo xiray.

Dhoolatuskan ayaa ahaa mid ciidamada ku muujinayeen sida loogu hortago marka ay dhacaan rabshadaha, iyo sida loogu gurmado dadka ku waxyeelooba qaraxyada ayaa bandhigooda ahaa mid cajiib ah.

Ciidamada ayaa loo diyaariyay sida iyagoo ku sugan saldhigyadooda ka dib waxaa dhacay qarax, kaas si mala awaal ah qeybna ka ahaa dholatuska, waxaana Shanqarta Qaraxa ka dib dhaqaaqay Ciidamadii loogu talagalay in ay gurmadka Sameeyaan dad loo ekeysiiyay in ay qaraxaasi ku waxyeeloobeen ayaana ciidamada kala gadisan ay gurmadka u fidinayeen.

Waxaa ay xireen dhamaan waddooyinka soo gala goobta, iyagoo ku dhaqaaqayay daabulida dadka dhaawaca ah, waxaa joogay goobta gaadiidka gurmadka deg dega ah, dab damiska oo ku mashquulsan daminta dabkii kacay iyadoo iyo sidoo kale Gawaarida cusub ee 888 oo ah gawaari yar yar ay qeyb ka ahaayeen gurmadka.

Sidoo kale dhoolatuska ayaa waxaa wehliyay booyadaha biyaha tuura ee dab damiska ah iyo baabuurta gurmadka deg dega ah.

Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyed Jen, C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) oo gaba gabadii ka hadlay dhoolatuskan ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan feejignaanta iyo sida looga hortagi karo qaraxyada.

“Dhoolatuskan wuxuu xambaarsan yahay qaabka loola tacaalayo nimanka nabad diidka ah meelaha dhibaatada ka geystaan, howl galkan si wanaagsan ayuu u dhacay”ayuu yiri Jen. Saacid.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday tallaabooyin ay dooneyso inay wax kaga qabato ammaanka, iyadoo sameysay ciidamo gaar ah oo amniga Muqdisho loogu tala galay, kuwaasoo dhowaan howl geli doona.