Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo Xiligiisa lagu dhawaaqay

0
290

Xubnaha ku howlan maamul usameynta saddexda Gobol ee Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa waxa ay shaaciyeen waqtiga la qabanaayo doorashada Madaxweynaha uu yeesho maamulkaasi, xilli khilaaf uu ka taagan yahay maamul usameynta saddexda Gobol.

C/qaadir Maxamed Axmed Dhaga-cade oo xubin ka ah gudigaasi ayaa u sheegay Warbaahinta inay ku guuleysteen soo xulista ergada iyo dhameystirka dastuurka uu ku shaqeynaayo maamulkaasi.

Mr Dhagacade ayaa ka hadlay xiliga la qorsheynaayo inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koofur galbeed oo ka kooban Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Waxa uu sheegay in qorshaha uu yahay in doorashada la qabto Bishan dhamaadkeeda weli 28-ka Bishan, sida uu qorshaha yahay hadii aysan waxba isbedelin, waxaana uu rajo ka muujiyay in si nabad ah ay ku dhacdo doorashada Hogaanka maamulka saddexda Gobol ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale C/qaadir Maxamed Axmed ayaa beeniyay warar sheegaya in khilaaf uu ka dhex taagan yahay gudiga maamul u sameynta Gobolada koofur galbeed Soomaaliya, xilli shalay ay soo baxeen warar sheegaya in khilaaf uu ka dhex-taagan yahay xubnaha maamulkaasi.

kg

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.