Dhegeyso: Maleeshiyo Beeled Ka Soo kala Jeeda Puntland iyo Galmudug Oo Ku Dagaalamey Saaxo

0
265

Saaxo(INO)-Waxaa wararka ka imaanaya deegaanka Saaxo ee gobalka Mudug ay sheegayaan inay ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Inta la xaqiijiyay afar ka tirsan dhinacyada dagaalamay ayaa ku geeriyootay dagaalkii dhacay waxaana xaaladdu ay tahay mid yara deggan.

Dagaalkani ayaa yimid markii maleeshiyaadka dagaalamay ay isku qabteen baraako biyaha laga cabo oo ku yaalla deegaanka Saaxo ee gobalka Mudug.

Khasaaraha illa iyo hadda la og yahay waa afar dhinacyadii dagaalamay ah waxaana la soo sheegayaa in dhinacyadan ay isku horfadhiyaan meel wax yar u jirta deegaankaasi Saaxo.
Si kastaba Dagaalkan ayaa Kusoo beegmaya xili xiisad siyaasadeed oo kulul ay ka jirto Gobolka Mudug Oo La qorshaynayo in uu guud ahaanba ka mid noqda Maamulka Loo yagleelayo Gobolada Dhexe ee Dalka.

Idale News Online, Saaxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here