Maamulka la magac baxay gal mudug ayaa shaaciyey inuu xiran yahay garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacayo oo uu gacanta ku haayo Maamulka Putland.
War kasoo baxay Galmudug ayaa lagu sheegay in lagu wargeliyey shirkadaha duulimaadka ku yimaada Gaalkacyo si aysan ugu kadsoomin garoonka.
Halkan Ka Dhageyso.
Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxa cirka isku shareeray hurgufta u dhaxaysa Maamulada dariska ah ee putland iyo gal mudug oo ka dhalatay ka dib markii Madax weynaha Gal mudug oo diiday inuu kasoo dago Garoonka Diyaaradaha ee C/hi Yuusuf Axmed.
Si kastaba ha ahaatee Maalintii shalay ahayd ayaa xillibaano ka tirsan Gal mudug waxa ay hanjabeen inuu xirmi doono garoonka hadii aan laga soo jawaabin cabashadooda.
Ugu Dambeyntii ,Waxana si weyn loo dareemaya xiisada labadan maamul oo gaartay heer ay socoto hub isku urursi kii xooganaa.