Baydhabo(INO)-Kulan ay isugu yimaadeen Gudoomiye waaxeedyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa manta waxalagu qabtay magaaladaas kaas oo looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa amaanka darada baahsan ee waayadan ka jirta Baydhaba.
Mas’uuliyiinta kulmay ayaa isku raacay in lasameeyo Dereseyn iyo iska warqab sameeyaan dadka xaafadaha isla markaana ay soo gudbiyaan wixi ay u arkaan aman dari.
Magaalada Baydhabo waxa kusii kordhaya dilalka qorshaysan iyo weerarada loo gaysano Ma’uuliyiinta iyo Shacabka halakas ku sugan, waxana muuqata in Maamulka Shariif Xasan uu u caal waayey inuu wax ka qabto xaalada soo cakirmaysa ee Baydhaba ka taagan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo