Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay inay soo dhaween doonaan bulshada reer Yemen, ee isaga soo carareysa dagaalada dalkooda ka soconaaya,Laakiin ay ka feejigan yihiin inay ku soo dhex dhuuntan Xoogaga Daacish iyo Al Qaacida.
“Dadka Yemeniyiinta ah ee ka soo cararaaya colaada, waan soo dhaweyneynaa. Shalay waan ku baxsanay maanta inay nagu baxsadaan dhib kuma qabno, wixii aan heysano waan la wadaageynaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
“Laakiin mar walba il iyo aragti gaar ah ayaan ku eegeynaa amuuraha amniga dalkeena khuseeya. Raali kama nihin Daacish, Al Qaacdiya iyo walax kaloo baasoo dhan inay dadkaa qaxootiga masaakiinta ku soo dhex dhuuntaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Somaliya, ayaa yiri “Waa dhaqano ay sameeyan, taasna taxadar dheeri ah ka muujineynaa, anagoo dadka Yementa ah aanan dhibeynin, aanan diidanayn inay noo yimaadaan.”
Waxa uu intaa ku daray “Dadka xambaarsan mabaadii’da noocaas, waa ilaalin doonnaa, il gaar ahna waan ku hayn doonnaa. Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federalkana way ka wada hadleen, waana ka wada shaqeyneynaa, haddii Alle yiraahdo.”
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho