Garowe(INO)-Gaari ka mid ah kuwa UN-ka oo lagu xiray bambaano ayaa ku hor qarxay nawaaxiga xarunta UN-ka ee Garoowe, waxaana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay shaqaale ka tirsan xarunta UN-ka.
Sida wararka ku helayno Dadka ku dhintay Qaraxan ayaa gaaraya ugu yaraan ilaa todobo qof oo ka mid ah shaqaalaha UN-ka, shan ka mid ah ayaa sida la sheegay ah shaqaalaha Ajaaniibta, labada kalana waa Soomaali, Waxaa ku dhaawacmay dhaawacmay todobo shan Soomaali ah iyo Labo Ajaaniib ah.
Taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Nugaal gaashaanle sare Axmed Cabdulahi Samatar Leydi ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar saaka lala beegsaday gaari ay la socdeen shaqaale katirsan kuwo Qaramada Midoobay ayaa sheegay weerarkaan inuu ka dambeeyay qof isisoo miidaamiyay oo gudaha u galay gaariga , laakiin weli si rasmi ah looma cadayn qofka is qarxiyay.
Taliyuhu wuxuu sheegay inay si dhaqso ah jawaab uga keenidoonaan falkaan dhacay islamarkaana ay gacanta ku hayaan xubnaha qofka is qarxiyay oo lagu sameynayo baaritaan.
Waxaa sidoo kale weerarkaan ku dhaawacmay 7 kale oo isugu jira 2 Soomaali ah iyo shan Ajaanib ah oo katirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay , Waxaa ku jira Marrian Clark oo ahayd madaxii Unicef.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Garowe