Dhegayso: Nicholas Kay Oo Ka Hadlay Xaalada Guud Ee Somalia, Amni Darada Puntland iyo Jawaab Uu Siiyey Siilaanyo

0
237

Muqdisho(INO)-Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa warbixin uu siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey kaga hadlay xaalada guud ee Soomaaliya.

kay

Danjire Kay ayaa rajo ka muujiyay doorasho ka dhacda Soomaaliya sanadka 2016, hase ahaatee waxaa uu xusay inay jiri karto in Al-Shabaab ay carqaladeeyaan doorashooyinkaas.

Warysi uu siiyey Idaacada VOA-da aya wuxuu uga hadlay Arimahaasi, Sidoo kalana waxaa la waydiiyey Hadalkii dhowaan kasoo yeeray Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ee ku aadanaa in hadii la dhiso ciidan Soomaaliyeed uu dhibaato keenayo“Dhamaan dalalka madaxa banaan waxya u baahan yihiin inay dhistaan Ciidan Qaran, Soomaaliya kama Duwana dalalka kale ee u baahan Ciidan difaaca Qarankooda”

Nicholas key ayaa wuxuu ka hadlay Xaalada Amaan dari ee kusoo korodhay deegaanada Maamulka Puntland, Iyadoona ay soo baxayeen Warar sheegaya in ciidamo ka socda Amismo la geeyo maagaalada Garoowe.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here