Dhegayso: Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta ku guul daraystay inuu Marka Cadeey tago.

0
199

Kusimaha Wasiirka Amniga General Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud uu burbur ku yimid kadib kolkii dhinacyada ay shuruudo adag hordhigeen Wasiirka. Shuruudaha ay hordhigeen Wasiirka beesha BiyoMaal ayaa waxaa ugu waaweyn sedex qodob oo kala ah:-

  • In lagasaaro maleeshiyada beelaha Hawiye guud gobolka Shabeelaha hoose.
  • In lakeeno gobolka ciidamada dowlada gaar ahaan Gaaska 60aad.
  • In gogol guud ay dowladu u dhigto dadka wada dega gobolka iyadoo loo maraayo habka Deegaanka Beelaha.

Qodobadan ayaa waxa Wasiirka uu marsiin waayay beelaha Hawiye ee duulaanka ku qabsaday magaalada Marka.Ugu danbayna waxaa la filayaa maalinta berito inuu Wasiirku dib ugu soo laabto Muqdisho si uu Dowlada ugu sheego in Shabelle State diideen waanwaantii Dowladu waday.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa maanta waxa uu ku guul daraystay inuu Marka Cadeey tago kadib kolkii beesha BiyoMaal ay Wasiir Xaamuud u sheegtay in nin Hawiye mansab kastaba ha sheegtee ayan la kulmayn ilaa uu Hawiyuhu ka baxo dhulka beesha.

Todobaadkii hore ayay ahayd kolkii Wasiirka arimaha Gudaha Goodax looga soo cayriyay Marko inuu yahay Hawiye.

Halkan ka dhegayso.

[audio:http://daafeet.com/wp-content/uploads/2014/06/marka.mp3|autostart=yes]

xasan-sheekhIdale News Online, Marka.