Dhegayso: Madaxwayne Xasan sheekh oo Cusbo kusii shubay xiisadii DF Soomaaliya iyo Puntland

0
257

Muqdisho (INO) Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Mudane  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cusbo sii mariyay Muranka ka dhex taagan Dowlada Soomaaliya  iyo Puntland Kaasi oo la xidhiidha dhismaha maamulka Gobolada Dhexe .

XASN-SHE (1)

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in magaalada Galkacyo ay tahay Xarunta maamulka Galmudug isla markaana uu quruxda iyo Bilicda ay leedahay uu ku amaanayo Maamulka Galmudug“Galmudug inta aan la dhisin ka hor Gaalkacyo muuqalka ay leedahay maanta todbon meelod haddii loo qaybiyo ma lahayn, anniga waxaan Gaalkacyo  tagay waqti an lugu hoyan karin, balse daaraha, jaamacada ha dhihin waxbadan baa isbadalay” Ayuu yidhi Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweynaha waxaa kalo uu tilmaamay isagoo ka hadlayay dhismaha maamulka gobollada dhexe inuu ugu baaqayo dadka labada gobol Mudug iyo Galgaduud inay u gudbaan dimuquraadiyada oo ah inay ka dhabeeyan maamulka dhismaya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online,Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here