Dhalinyaro la baxday magaca MIS_HURTY_ARLAADI oo guri guri ugaraacayo guryaha magaalada Baydhabo si ay ucaawiyaan walaalahooda dhibaateysan

0
224

Baydhabo (INO); Dhalinyaro la baxday magaca MIS_HURTY_ARLAADI oo ka dhisan degmada Baydhabo ayaa waxay bilaabeen caawinta dadka dhibaateysan ee ay aafeysay abaaraha saameynta kuyeeshay deegaanada Soomaaliyeed.

Dhalinayarada la magac baxday MIS_HURTY_ARLAADI oo hore ugu sifoobay wax uqabashada umada dhibaateysan iyo ka shaqeynta horumarka deegaanka laguna xasuusto waxqabadyadoodii waxtarka lahaa ee ay hore uqabteen ayaa waxay wadaan maalinkii 2aad qaab ay guryaha magaalada Baydhabo mid mid ugu garaacayaan albaabka iyagoo ka qaadayo guri walba wixii uu awoodo ee ku kaalmeyn karo walaalkiisa kudhibaateysan duleedka magaalada ee aan heysan hoy iyo wax uu cunaba ayna udheertahay cuduro halis ku ah noloshooda.

Qaar kamid ah dhalinyaradan oo uwaramay Warbaahinta Idale News Online ayaa hadalkooda waxaa kamid ahaaa “Waa malintii 2aad iyo ololihi an walaalaheena ugu gurman laheyn,runtii aad baan ugu faraxsanahy markaan wax u qabaneyno bulshadeena mana dareemeyno daal iyo caajis sidoo kale kama xishooneyno inaa garaacno albaab ama aan hor istaagno dukaan si aan wax u weydiino waayo waxa aan u istaagney sidaan bulshadeena wax ugu qaban laheyn oo aan ula qeybsanlaheyn dhibka muuqda ee heysta, Cidna kama sugeyno iney inoo sheegto inaan wax uqabano bulshadeyda waayo anagaa mar walba utaagan sida bulshadeena wax ugu qaban laheyn walina wey inoo socota howsha meel fiican bey inoo mareysa waxaana rabi ka baryeynaa inuu nagu garab galo shaqada aan uheyno umadeena dhibaateysan”

Waxaaa xaqiiqo ah hawsha ay wadaan dhalinyaradan iskoodu isu soo abaabushay oo ay ugu gurmanayaan umada dhibaateysan inay tahay mid aad uwanaagsan oo kudayasho mudan.

 

 

Idale News Online,