Baydhabo (INO); Dhalinyaro kasoo jeeda deegaanka Ooflaaw oo ku sugan magaalada Baydhabo, mid kamid ah qurbo joogta deegaanka oo ku sugan dalka Mareekanka laguna magacaabo Saadaq Abdi iyo Xildhibaan Sandheere Maxamed Iftiin oo dowlada Dhexe katirsan kana soo jeeda deegaankaasi ayaa waxay deeq dawo ah gaarsiiyeen tuulada Xabaal Barbaare oo kamid ah meelaha uu cudarka shuban biyoodka ka dilaacay.
Dhalinyaradani ayaa waxay sheegeen in deegaankooda uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka uuna kamid yahay meelaha ugu daran ee cudurkaasi uu ka dilaacay sidaa darteed ay bilaabeen dadaalo farabadan oo ay ugu gurmanayaan dadka ku dhibaateysan halkaasi iyagoo dhamaan umada Soomaaliyeed iyo jaaliyada kasoo jeeda deegaankaasi ugu baaqay inay usoo gurmadaan umada dhibaateysan.
Idale News Online, Deegaanka X/Barbaare, Bay, Somalia