Dhagyeyso:Bajaajleyda Baydhabo Oo Banaanbax Ka Dhigey Wadooyinka Magaalada Baydhabo+Sawiro

0
348

Baydhabo(INO)-Boqolaal ka tirsan Dhalinyarada ka Shqeysa Bajaajta ama Tigda ayaa isugu soo Baxay wadooyinka qaar ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay,kadib markii sida ay sheegeen Maamulka iyo saraakiIsha ciidanka DFS  ay ku amreen iney shaqada joojiyaan,islamarlaana bajaajta laga xareeyay xarunta  ADC -da ee Degmada Baydhabo.

77

Dibad baxiyaasha ayaa muujiyey  Sida ay sheegeen tacadiyo badan iyo hanjbaadyo oo  ay ugu geysanayaan ciidamadda  Nabad sugida Soomaaliya Ee Baydhabo iyagoona  maamulka degmada Baydhabo iyo Saarkiisha Ciidanka DF Soomaaliya iyo KG Soomaaliya ay ka Codsaden inay fasaxaan shaqadooda.

Dhalintan bajaajta  noolal maalmeedka reerahooda uga raadiya ayaa mudo laba maalin ah wax shaqa ah qaban,waxaana sida ay sheegayaan ay ka danbeysay in bajaajka laga xareeyo iney bixin waayeen lacago ay ku shegeen iney baad u arkeen.

” Xoog ayaa nalagu haystaa, Ma Shaqeysan Karno, Dhib weyn ayaan qabnaa, Cabashadeenu Cid wax kaqabata ayaan La’nahay” Ayuu yiri Abuukar Oo Ka Mid ah Ragga wada Bajaajta  ama Tigda Bayhdbao.

” Waxaa dhib nagu hayaa Ciidanka Nabad Sugida Baydhabo, Mar weliba Waxay naleeyihiin Keena $1, $2 ama $3. Maxaad halkan u fadhidaa?!, Si xur ah uma shaqeysan karno, hadii Magaaladii aan U dhalaney anan ka shaqeynsan karin halkeen qabnaa, Jiirooyinka hadii aynu marno  Keena 500 Sh. Som, ayaa nala leeyahay,waa nala qaraaca hadii aynu u dhawaano xurumaha Dowladda” ayuu yiri C/casiis Aadan oo isna Ka Mid ah dhalanyaradda Bajaajleyda Baydhabo.

” Waxay na leeyihiin keena  lacag dhan $12, annagu ma heli karno Lacagtaasi , ma garan karno halka ay kascoto lacagtaasi, Baydhabo 320 bajaaj ayaa joogta dhamaantoodu waa la xareeyey” ayuu yiri mid  ka mid ah Banaanbaxiyaasha Ee Maanta.

Ugu dambeyntii, Maamulka Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, iyo saraakiisha ciidamada booliiska ayaanay wax war ah ka soo saarin sababta ay shaqada uga xanibeen dhalintan bajaajta ka shqeysa Magaalada Baydhabo, kuwaasoo la daala dhacaayo  Raadinta Noolal Maalimeedkooda.

Halkan Ka Dhageyso

234679

Wariye  Maxamed Aadan Maxamed, Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here