Dhageyso:Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde Oo Eed u Jeediyey Saxiixayaasha shirka Gobolada Dhexe

0
429

Cadaado(INO) Sh Yuusuf Maxamed Siyaad  Indha Cadde ayaa dhaliilay faragalin uu sheegay iney shirka gobolada dhexe ku hayaan Saxiixayaashii shirkaas oo qaarkood ay hada yihiin Mushariixiin, Saxiixayaasha ayaa kala ah Madaxweynaha Galmudug,Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb iyo Gudoomiyaha Saddexda gole ee ahlu sunna.

indhacade1

SH Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay ineysan halkan ka socon karin go’aamada Saxiixayaasha,wuxuuna farta ku fiiqay ineysan jirin Saxiixayaasha awood u leh isla markaane xaq u leh iney gaaraan talada shirka dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Indha Cadde ayaa ammaanay shaqada Gudiga shirka gobolada dhexe oo uu tilmaamay iney yihiin Gudi ay soo xuleen dadka deegaanka iyo dowladda Soomaaliya,wuxuuna uga digay Musharixiinta Maroorsiga wada sida uu sheegay iney ka waantoobaan arintaasi.

Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ugu danbayntii baaq u diray Saxiixayaasha shirka gobolada dhexe,wuxuuna kula dardaarmay iney faraha kala baxaan arimaha shirka isla markaane ay dadkooda dhinac ka raacaan.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here