Hargeysa(INO)-Gudiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in Doorashada madaxtinimo iyo mida golaha wakiilada Soomaaliland dib loo dhigay mudo sanad ah kadib markii sida ay sheegeen ay doorashadu u qabsoomi weysay arimo farsamo.
Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Soomaalialnd C/qaadir Iimaan ayaa maanta magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland kaga dhawaaqay in Gudigu ay goosteen in doorashada oo qorshuhu ahaa in la qabto 26ka June ee sanadkan dib loo dhigo mudo sanad ah.
C/qaadir Iimaan ayaa shaaca ka qaaday in arimo farsamo iyo mid sharci awgood dib loogu dhigay xiliga qabashada doorashada madaxweynanimada iyo mida golaha wakiilada Soomaaliland wuxuuna shaaca ka qaaday in doorashadu ay dhici doonto 1da bisha June ee sanadka soo socda ee 2016ka.
Labada Xisbi ee ugu waaweyn Mucaaradka Soomaaliland ee Ucid iyo Wadani ayaa soo dhaweeyey dib u dhigista xiliga doorashada balse waxay ka digeen in golaha wakiiladu ay dowladda Siilaanyo ugu daraan wax ka badan hal sano.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Hargeysa