Dhageyso:Xildhibaano Kasoo Horjeedsaday Meelmarinta Mooshinka Ka Dhanka Ah RW Dalka

0
195

Xildhibaan Cabdi Fataax Nuur Mataan oo ka mid ah xildhibanada Barlamaanka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan gabi ahaanba meel   marka mooshinka.

baarlamanka

Waxa uu sheegay xildhibaankan in ay isku qabaan kalsooni buuxda isla markaana ay ku kala bixi doonaan Barlamaanka.

Cabdi-Fataax Xasan Axmed Kalgacal ayaa la hadlay Xildhibaankan oo ugu horeyna waxa uu waydiiyay waxa laga filan karo kulanka Maanta ee Xildhibaankan, ayaa waxa uu sheegey in mooshinka uu yahay mid sharci daro ah, balse markii dambe iyaga oo fiirinaya danaha dalka in ay ogolaadaan in mooshinka baarlamaanka iyaga oo kalsooni isku qaba, doonayana in ay cod aqlabiyad ah ku diidaan mooshinka.

Hadalkani xildhibaanka ayaa imanaya xili uu maanta furmayo kulankii baarlamaanka oo mooshinka lagu qeybin doono.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho