Dhageyso:Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya Oo Sheegay In Ay Dhaqaale Ku Taageerayaan Dowladda KG Soomaaliya

0
276

Muqdisho(INO)- Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaana kuwa ka soo jeeda gobalada uu ka taliyo Dowladda Koonfur Galbeed ayaa balan qaaday in ay taageero maaliyadeed siin doonaan dhamaanba Hay’adaha dhismaya ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Bay iyo bakool (10)

Mudanayaashan oo maalmahan booqasho ku joogay gobalka Bakool, oo hada dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa balan qaaday hirgalinta dhismaha maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Siidow Aadan Abaadir oo kamid ah Mudanayaashan ayaa sheegay in ay jeebkooda ka bixin doonaan dhaqaale ay siin doonaan maamulkan cusub, wuxuuna sheegay in ay talaabadaas ku wargaliyeen gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Taageeridan Maaliyadeed ee mudanayaashan baarlamaanka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa ku soo aadaysa xili uu taageero Maaaliyadeed uhamuun qabo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here