Dhageyso:Xildhibaanada Baarlamaanka oo Digniin Culus loo jeediyay

0
230

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Digniin Culus u jeediyay Xildhibaanada aan Waajibaadkooda Shaqo gudanayn ee aan soo xaadirin Golaha Shacabka.

Teaser Image Xildhibaanada Baarlamaanka oo Digniin Culus loo jeediyay {Dhageyso}

Prof. Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaankii ka maqnaaqda Kulamada mudo Hal Todobaad ah la ganaaxi doono Lacag dhan $600 (Lix Boqol oo Doolar) oo laga jarayo Mushaarkiisa.

Halkan Ka Dhageyso

Wuxuu sheegay in Gudoonka Baarlamaanka uu go’aansaday in Xildhibaanada laga joojiyo Safarada aan micnaha lahayn ee ay ku aadayaan Dalka Dibadiisa, ee ku marmarsiyooda inay ka qeybgalayaan Siminaaro & waxyaabo kale oo lamid ah.

“Dhamaan Xildhibaanada Xubanaha ka ah Baarlamaanada Caalamiga ah & Hay’adaha kale inay Shaqadooda lasoo socodsiiyaan Gudoonka Baarlamaanka, ma aqbali doono in Safaro Dalxiis ah la iska aado, iyadoo aan Shaqo loo hayn Qaranka,” ayuu yiri Jawaari.

Wuxuu kalsoo tilmaamay in la bedeli doono Xildhibaankii aan Warbixin joogto ah siin Gudgiga uu kamidka yahay, markii uu aado Howlo shaqo oo Dibadda ah, isagoo ku baaqay in Safarada Dibadda ah lagu aadiyo Labada Bilood ee Fasaxa ah.

Tani ayaa timid, markii dhowr mar ay dhacday in Kulamada Baarlamaanka ay u baaqdaan Kooram la’aan, iyadoo Xildhibaanada jooga xitaa Muqdisho qaarkooda ka caga jiidaan tagista Golaha Shacabka.