Baarlamaanka dalka ayaa Labo u kula Jabay ka Gadaal markii ay isku dayeen in wax laga Qabto Khilaafka Xasan Shiikh iyo Ra’iisul Wasaarihiisa C/weli Sheekh.
Mudaneyaal gaaraya ilaa 100 ayaa waxaa ay Wadaan Mooshin ka dhan ah Xukuumadda, kuwaa oo Shalay kulan ay ku yeesheen Caasimadda kasoo saaray in ay Golaha horgeyn doonaan in Xukuumadda la rido.
Xubno kale oo ka Tirsan Baarlamaanka ayaa qaba in aysan Xukuumaddu Qaldaneyn, Howsha Bedelka iyo Xil ka qaadista Golaheeda aysan cid kala Tashaneyn oo ay Dastuur ahaan iyadu leedahay.
Halkan Ka Dhageyso
Xildhibaan C/naasir Gaarane ayaa sheegaya in aysan Sharci ahayn in la Tashi la’aan uusan Ra’iisul Wasaaruhu soo Magacaabi Karin Taliyeyaasha Ciidanka, is bedelna uusan ku sameyn Karin Golihiisa Wasiirrada.
Dadka kasoo Horjeeda Aragtida ah in Mooshin laga geeyo Xukuumadda waxaa ku jira Xildhibaan Afaraale oo dhankiisa sheegaya in aysan Sharci ahayn la Tashi uu Wasiirka Koobaad ka sameynayo Xubnihiisa Wasiirradaiyo waxa uu ka yeelayo.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u kala Jabay Laba dhinac oo qeybna ay leeyihiin Xukuumaddu wey Saxantahay, kuwa kalena ayba Mooshin ka wadaan oo ay doonayaan in ay Xafiiska Baneyso.
Idale News Online – Muqdisho