Muqdisho(INO)-Allaha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu dilay Xaaji Cali Aadan, oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaankii Kmg ahaa ee lagu soo dhisay Magaalada Embeghati ee dalka Kenya.
Niman bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay Xaaji Cali Aadan ku toogteen Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan halka loo yaqaano Cabdalla Shideeye, mar uu dhex maraayay.
Raggii dilka geystay oo aan si buuxdo loo aqoon cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa waxay ka baxsadeen halkaasi. Ciidamada Booliska oo gaaray waxa ay ka wadaan hawlgal.
Goobjooge, ayaa ku waramaya in marxuumka uu ku sugnaa qaybta lagu iibiyo Firinjeerada, oo kaabiga ku haysa Suuqa Cabdalla Shideeyaha.
Wararka qaar waxay sheegayan in marxuumku uu deganaa meel ku dhow qaybta Firinjeerada lagu iibiyo, halkaasoo ay ku beegsadeen raggii dilka fuliyay.
Xaaji Cali Aadan oo nin oday ahaa, ayaa waxaa loo maleynayaa in loo dilay, isagoo Xildhibaan ka soo noqday Dowladdii Korneyl C/laahi Yuusuf Axmed.
Halkan Ka Dhageyso.
Ururka Al Shabaab, ayaa waxay Magaalada Muqdisho ka wadaan dilalka qorsheysan, oo ay ku beegsanayan Masuuliyiinta Dowladda Somaliya. Sidoo kalana waxay beegsanayan xubnihii horey kaga soo shaqeeyay Dowladdihii dalka soo maray.
Idale News Online,Muqdisho