Muqdisho(INO)- Xildhibaan C/llaahi goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in aysan macquul ahayn in wadada ay iminka ku socoto Soomaaliya lagu gaari karo doorasho.
Waxa uu tilmaamay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay iminka baneeyeen Xarumo iyo deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolada Dalka.
Waxa uu xusay in xaalad amni daro ay ka jirto soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in la badbaadiyo oo laga wada shaqeeyo amniga dalka.
Xildhibaan C/llaahi goodax Barre ayaa sidoo kale sheegay in degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Sh/Hoose ay ka jiraan xaalad aan wanaagsaneyn.
Hoos ka Dhageyso
Idale News Online,Baydhabo