Baydhabo(INO)- Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay lagunsoo xirayay mashaariic dhowaanahanba ay dowlada UK ka waday gobolada Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa lagu qabtay xarunta gobolka Bay ee Baydhaba.
Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay gudoomiyaha gobolka Bay Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada Cabdullaahi Maxamed Cali Watiin, wasiirka khayraadka biyaha iyo macdanta dowlada Koonfur Galbeed Aadan Xasan Maxamed, gudoomiyaha ururka haweenka degmada Baydhaba Xaawo Sokorow Cali iyo ka qayb qaadayayaashii iyo kasoo qaybgalayaal kale.
Dowlada UK ayaa waxa ay dhaqaale ku bixisay dhismaha goobo kala duwan oo ku kala yaalo degmooyinka Baydhaba, Buurhakaba, Waajid iyo weliba degmooyinka Wanlaweyn, Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.
Degmada Baydhaba ayaa tusaale ahaan waxaa loo dhisay wadada Shariif Gacamey ayada oo islamarkaasna la geliyay nalalka ku shaqeeya cad ceeda. Degmada Buurhakaba waxaa loo dhisay xafiisyadii ay dowlada hoose ee degmadaas ku shaqayn lahayd. Degmada Waajid waxaa loo dhisay suuq weyn halka degmada Baraawana laga dhisay dhismayaal ay dowlada Koonfur Galbeed ku howlgeli doonto halka kuwa kalena ay weli socoto dhismahooda.
Xafladda ayaa waxaa khudbado ka kala jeediyay gudoomiyaha degmada Baydhaba, gudoomiyaha gobolka Bay, wasiirka khayraadka biyaha iyo macdanta Koonfur Galbeed iyo weliba gudoomiyaha ururka haweenka degmada Baydhaba kuwaasoo dhamaantood u mahadceliyay dowlada UK is garabtaaga bulshada ku dhaqan gobolada Koonfur Galbeed.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo