Dhageyso:Xaaladda Degmada Baraawe Oo Saaka Degan iyo Waan Waan Socoto

0
245

Baraawe ( INO)-Iyadoo shalay ay Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dagaalameen Ciidamo La Sheegey inay  ka wada tirsanayen dowladda Federaalka Soomaaliya oo qaab beeleed u abaabulnaa , kuna geeriyoodeen 5 ruux oo isugu jiray dhinacyadii dagaalmay ayaa saaka Magaaladaas waxaa laga dareemayaa xaalad degenaasho.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraah Aadan Cali ( Najax) oo Warbaahinta wareysi siiyay ayaa sheegay in ay kala dhex galeen Ciidamada , islamarkaana ay ka kala qaadeen goobihii ay isku hor fadhiyeen isagoo  tilmaamay  in Masuuliyadda dagaalkii ka dhacay Baraawe ay qaadi doonaan shaqsiyaadka ka dambeeyay walow uusan uu Magac dhabin.

Isagoo sii hadlaya Guddoomiye Jajax waxa uu xusay in baaritaanno ay ku sameynayaan dadkii ka dambeeyay iska hor’imaadkii ka dhacay degmada Baraawe , ciddii lagu helana ay cadaaladda horgeyn doonaan.

Geesta kale guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka warbixiyay qorshaha kaga degan dowladda dhexe iyo maamulka Gobolka , qaadista Isbaarooyinka yaalla deegaanno hoostaga Shabeelaha Hoose iyo is dhex galka Bulshada ku nool Gobolkaasi.

Inta badan dagaallo salka ku haya qaab beeleed ayaa ku soo noq noqda deegaanno iyo degmooyin dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo masuuliyiinta maamulka Gobolkaasi ay ku cel celiyaan in ay wax ka qabanayaan walow uusan jirin wax ka soo naasa cadaada.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baraawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here