Dhageyso:Waxgaradka ku sugan Dhuusamareeb oo beeniyey iney laba garab u kala jabeen

0
340

Dhuusamareeb(INO) Odayaaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ku adkaysanaya in shirka maamulka loogu dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb xilli ay soo baxayaan in ergada ku sugan Dhuusamareeb ay isku khilaafeen halka shirkaasi lagu qabanayo.

Shirka

Axmed Maxamuud Guuleed oo ka mid ah waxgaradka ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in go’aankoodu uu sidii yahay,wuxuuna shaaca ka qaaday in dhawaan ay filayaan shirku ka furmo magaalada Dhuusamareeb,wuxuuna meesha ka saaray inuu jiro khilaaf iyo kala qaybsanaan soo kala dhexgashay odayaashii go’aanka ku gaaray in shirka maamul u samaynta gobolada dhexe  lagu qabto magaalada Dhuusamareeb

Halkan Ka Dhageyso.

Audio Player

Nabadoon Axmed Maxamuud Guuleed oo wax laga weydiiyey in qaar ka mid ah ergadii ku sugneed Dhuusanareeb ay qaarkood Cadaado gaareen halka qaar kalane ay dib ugu laabteen deegaanadii ay ka yimaadeen isla markaane Cadaado ay hada ka socdaan dhaqdhaqaaqyo badan oo ku saabsan marti galinta shirka intaasi ay muujinayso in shirka lagu qabanayo magaalada Cadaado.

Wuxuuna shaaca ka qaaday ineysan jirin ciidan ka tirsan kuwa AMISOM oo Cadaado tagay iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda,wuxuuna farta ku fiiqay iney Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin Ciidankii shirka amnigiisa sugi lahaa,Nabadoonka ayaa ku adkaystay ineysan marnaba aadeen magaalada Cadaado.

 Idale News Online Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here