Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta DFS oo lagu eedeeyay in uu fara gelin ku hayo Saxaafadda Madaxa banaan

0
359

Muqdisho ( INO)-Aqoonyahan Abshir Maxamed Aadan oo ka mid ahaa Wariyayaashii Xilligii Berisimaadkii la soo shaqeeyay Warbaahinta dowladda ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in fara gelin muuqata dowladda ay ku heyso Saxaafadda Madaxa banaan ee Soomaaliyeed.

Arrintaan ayuu u cuskaday in ay cadeyn u tahay Guddi dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada ay si toos ah loogu dhisay fara gelinta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

“ Guddigaan ma matali karo Warbaahinta Madaxa banaan ee Soomaaliya” ayuu yiri Abshir Maxamed Aadan.

Si kastaba hadalka Khabiirkaan Saxafi ayaa ku soo beegmaya iyadoo Guddi inta badan aan laga tala gelin Saxaafadda xorta ah ee Soomaaliyeed ay dhawaan qalinka ku duugeen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay