Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta dawladda Soomaaliya oo ka hadlay wada hadaladii ay diiday Somaliland

0
196

Muqdisho(INO)-Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah wafdiga dawladda Soomaaliya ee jooga dalka Turkiga ayaa ku dhaleeceyey Maamulka Somaliland, in ay diideen in ay yimaadeen miiska wada xaajoodyada, wuxuuna ugu baaqay in looga baahan yahay tanaasulaad in ay la yimaadaan si loo dhaqaajiyo wada hadalada labada dhinac.

maareeye

Mr, Maareeye ayaa sheegay in ay dhankooda diyaar uyihiin wax kasta oo nabad iyo walaalnimo lagu gaarayo, isagoo meesha ka saaray in xubno uu ka mid yahay laga saaro wafdiga dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ayaa qaba rajo wanaagsan oo ah in ay wada hadaladi dib ubilaaban doonan, marka ay hada labada dhinacba ku laabtaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in aysan jiri doonin wax ka badal, balse ay talooyin ugu laabanayaan Hargeysa iyo Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here