Dhageyso:Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Puntland oo ka hadlay cabashada shaqaale

0
211

Garowe(INO)-Qaar ka mid ah howlwadeenada xafiisyada maamulka Puntland ayaa ka canaya imtixaan la sheegay in laga qaadayo qaar ka mid ah agaasimayaasha iyo shaqaalaha wasaaradaha,waxaana shaqaalaha dareenkooda ku muuhiyeen inaysan raali ka ahayn imtixaankaasi. 

Halkan Ka Dhageyso.


Waxayna sheegeen shaqaalaha cabanaya in imtixaanka laga qaadayo uusan ahayn mid cadaalad ah oo laga soo amray madaxtooyada,islamarkaana uusan ansixin Baarlamaanka Puntland.

puntlabd-flag

Shaqaalaha ayaa dhigay banaanbax ay arintaasi kaga cabanayaan waxayna shaaciyeen in arintaan ay tahay mid ka hor imaaneysa xuquuqda shaqaalaha.

Dhanka kale wasiirka shaqada iyo shaqaalaha maamulka Puntland oo arintaan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka imtixaanka uu yahay mid lagu tijaabinayo aqoonta iyo xirfada ay leeyihiin shaqaalaha,islamarkaana la doonayo in lagu kala darajo sareeyo sida ay u kala aqoon roon yihiin. 

Idale News Online, Garowe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here