Muqdisho(INO)-Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ugu baaqay waxgaradka ka qeyb galaya shirka Dhuuso Mareeb inay ku soo dhameeyaan shirkaasi muddadii loogu daray.
Shirka ayuu sheegay in shirkaasi lagu kordhiyay muddada 25 maalin loona baahan yahay in odayaasha ay shirkaasi kusoo idleeyaan muddadaasi si waqti kale uusan ugu bixin shirka dib u hishiisiinta.
Ujeedada laga leeyahay dadajinta shirka ayuu sheegay iney tahay sidii dhaqso loogu gudbi lahaa dhismaha maamulka ay yeelanayaan Mudug iyo Galgaduud oo ah labo gobol oo ku yaala bartamaha Soomaaliya.
Odayaasha ku shirsan Magaalada Dhuusa Mareeb, ayaa kol hore ku dhawaaqay in 25-maalin ay ku darsadeen inta uu soconaayo shirka.
Idale News Online, Muqdisho.