Dhageyso:Wasiir Maareeye Oo ka dalbaday Bahda Saxaafadda In ay Taageeraan Guddiga Xallinta Khilaafka NUSOJ

0
227

Muqdisho ( INO)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay garab taagantahay guddiga Xallinta Khilaafka Ururka NUSOJ.

Mr Maareeye ayaa ka dalbaday Saxaafadda Madaxa banaan in ay taageeraan guddigaan oo uu sheegay in uu yahay kii ka samata bixin lahaa marxaladda ay iminka ku jiraan wuxuuna ku tilmaamay guddigaan mid horumar ka sameyn karo muran u dhexeeya hoggaanka NUSOJ.

Dhinaca kale Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in u jeedka ugu weyn ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Soomaaliya ay tahay in Suxufi kasta oo muwaadin ah uu helo xuquuqdiisa.

Shalayay ayey ahay markii ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Ee NUSOJ iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Cabdi Xayir Maareeye kaas oo ay uga hadlayeen xallinta Khilaafka Hogggaanka Ururka NUSOJ.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here