Dhageyso:Wasiir Ceynte: “Hal Milyan iyo Boqol Qof Ayaa Ku Barakacay Gudaha Dalka”

0
198

Muqdisho(INO)-Wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Dadka Soomaaliyeed 9% ay barakac ku yihiin gudaha Dalka, xilli wasaaradda ay soo bandhigtay tirakoobka Dadka Soomaalida ah.

CEYNTE

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah, Cabdiraxmaan Ceynte, ayaa sheegay in 1,100,000 oo Soomaali ah (Hal Milyan iyo Boqol Kun) ay barakac ku yihiin gudaha Dalka, kuwaasi oo hadda aan ku sugneyn buu yiri deegaanadooda.

“tani waxa ay nagu tahay xanuun iyo Ceeb in Dad intaasi la eg ay ku barakaceen gudaha Dalka, waa in aan ka tiiraanyoonaa arrintaani oo Dadkaasi wax aan awoodno aan ku kaalmeyno, waliba barakaca hadda wuu sii kordhayaa oo Kenya iyo Yemen ayaa laga soo barakacayaa” ayuu yiri Wasiir Ceynte.

Colaadaha sokeeye ee ka jira Dalka iyo Gaajada ayaa la aaminsan yahay in ay sabab tahay barakaca Dad badan oo Soomaali ah, iyaga oo raadinaya Nabad iyo nolol wanaagsan.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho